3249 Views

Madaxweynaha Turkiga oo goor dhow Muqdisho ka soo degay

Madaxweynaha Turkiga oo goor dhow Muqdisho ka soo degay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 3, 2016: Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan iyo wafdi uu hogaaminayo, ayaa goor dhow ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Erdogan ayaa waxaa soo dhoweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha, xubno ka tirsan dowladda, Diblomaasiyiin caalami ah iyo Mas’uuliyiinta Safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

Labada Madaxweyne ayaa si wada jir ah salaan uga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qalabka sida, waxaana loo garaacay astaanta calanka ee labada dal.

Madaxweyne Erdogan iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa goor dhow lagu wadaa inay xarigga ka jaraan dhismaha cusub ee Safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho, taasoo noqon doonta Safaaradda ugu weyn ee Afrika ee Turkigu leeyahay.

Safaaradda Turkiga ayaa ah tan kaliya ee gudaha Muqdisho ku taal, marka laga soo tago safaaradaha dowladaha reer galbeedka ku leeyihiin Xerada Xalane oo ah goob ammaankeeda si aad ah loo ilaaliyo.

Safarka Madaxweynaha Turkiga oo maanta oo jimco ah ku yimid magaalada Muqdisho ayaa ka duwan labadii safar ee hore oo waddooyinka Muqdisho ay ahaayeen kuwo xiran oo cidlo ah, balse waxaa haatan hareeraha waddooyinka taagan dadweyne fara badan oo sita calanka Turkiga iyo sawirka Madaxweyne Erdogan, si ay u muujiyaan soo dhoweeyntiisa.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana la xiray waddooyin badan oo muhiim ah, waxaana la arkayay ciidamada ammaanka oo wado kasta taagan, isla markaana feejignaan ka muuqata.

Turkiga ayaa kaalin wax ku ool ah ka qaatay gargaarka bani’aadanimo ee Soomaaliya, iyadoo si toos ah u taageeray dowladda Soomaaliya, waxaa uu ka qeyb qaatay dib u dhiska meelo badan oo ka tirsan Muqdisho iyo hirgelinta mashaariic horumarineed oo isugu jira waddooyin laami la saaray, dhisida Isbitaalo, iskuulo iyo Terminalka cusub ee garoonka diyaaraddaha Aadan cadde.

Waa markii 3aad ee Madaxweynaha Turkiga booqasho ku yimaado magaalada Muqdisho, sanadkii 2011 ayay aheyd markii u horeysay uu yimaado, xilligaasoo Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ku dhufteen abaaro, iyadoo Erdogan uu indhaha Caalamka ku soo jeediyay, isla markaana tusay in Soomaaliya la tagi karo, taas oo albaabada u furtay Soomaaliya.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment