963 Views

Rooble oo bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeyay maalinta Calanka Soomaaliya oo ah 12-ka bisha Oktoobar.

Rooble oo  bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeyay maalinta Calanka Soomaaliya oo ah 12-ka bisha Oktoobar.
____________________________________________________________________________

Talaado: october 12, 2021

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeyay maalinta Calanka Soomaaliya oo ah 12-ka bisha Oktoobar.

Hadal uu soo dhigay bartiisa facebook ayuu sidaan ku yiri “waxaan Ummadda Somaaliyeed ugu hambalyeynayaa maalinta calankeenna ee 12ka October oo ku beegan maanta oo kale 67 sano ka hor”.

Wuxuu intaa sii raaciyay “Calankeenna ha sarreeyo, gobannimada Soomaaliyeed ha waarto. Gallad waxaan u haynaa geesiyadii u soo halgamay difaaca Calanka iyo Ciidda”.

Sanad walba 12-Oktoobar si weyn ayaa loo xusaa maalintan waxaana la qabtaa xaflado iyo damaashaadyo kale oo lagu weynaynayo markii ugu horeysay oo la isku raacay Calan Soomaaliya leedahay waxaana inta badan laga sheekayaa taariikada Calanka iyo marxaladihii laga soo samaray alifidiisa.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post