891 Views

James Swan oo si kulul ugu hadlay weerarkii ka dhacay Bariire iyo Awdhegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

James Swan oo si kulul ugu hadlay weerarkii ka dhacay Bariire iyo Awdhegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 03, 2021

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa cambaareeyay weeraradii shalay lagu qaaday fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin magaalooyinka Bariire iyo Awdhegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weeraradan lagu bartilmaameedsaday ciidamada Soomaaliya. Tani waa mid si cad inoo xusuusinaysa naf-hurnimada maalin kasta ay sameyaan askarta Soomaaliyeed ee sida geesiminada leh u dagaallama si ay u badbaadiyaan Soomaaliya iyo dadkeedaba,” ayuu yiri Md. Swan. “Waxaan ka tacsiyeynaynaa dadkii ku dhintay, waxaana caafimaad deg deg ah u rajeynaynaa dadkii ku dhaawacmay.”

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarada,

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post