114 Views

HAMBALYO Galmudug oo ku guulaysatay tartanka maamul gobaleedyada dalka

HAMBALYO Galmudug oo ku guulaysatay tartanka maamul gobaleedyada dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho — Xulka kubadda cagta ee dowlad gobaleedka Galmudug ayaa ku guulaystay tartanka ciyaaraha ee maamul gobaleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, kaas oo ay ka qaadeen dhiggooda Hirshabeelle, ciyaar la’isla gaaray gool kullaad.

Ciyaarta oo ahayd mid xiiso leh ayaa 90-kii daqiiqo ee loogu talagay waxa ay ku soo idlaatay barbar dhac 0 iyo 0 ah, taas oo keentay in la aado gool kullaad, waxayna sidaas guusha ku raacday xulka dowlad gobaleedka Galmudug.

Tartanka oo sanadkaan ka duwan sannadihii hore ayaa sanadkaan waxaa uu ka dhacay garoonka ciyaaraha ee Muqdishi Stadium, kaas oo markii ugu horreysay lagu qabto tartanka maamul gobaleedyada iyo gobolka Banaadir.

Xulka kubadda cagta ee maamul gobaleedyada Galmudug ayaa sanadkii ugu dambeeyey ee la ciyaara koobkaan waxa uu finalka la tagay xulka gobolka Banaadir, kaas oo ciyaar gool kullaad ah looga guuleystay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post