603 Views

Shirka Wadatashiga Dowlad-goboleedyada & DFS oo ay suuragal tahay in uusan rasmi ahaan furmin maanta oo Talaado ah.

Shirka Wadatashiga Dowlad-goboleedyada & DFS oo ay suuragal tahay in uusan rasmi ahaan furmin maanta oo Talaado ah.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 21 2020–Dood adag iyo kulan dheer oo qaatay in kudhow 6 Saacadood oo u dhexeeyey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxda Dowlad-goboleedyada iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaan lagu gaarin sidii la filayey Natiijo horseeda in maanta oo Talaado ah uu rasmi ahaan u furmo Shirka Wadatashiga Dowlad-goboleedyada iyo Xukuumadda dhexe.

Kaliya waxaa la Isla gartay in kulamada gooni-goonida ah ay sii socdaan inta ay isla meel-dhigayaan doodda la xiriirta doorashada madaxtooyada iyo Baarlamaanka oo ah qodobka la isku mari la’ yahay.

Madaxda Dowlad-goboleedyada ayaa intooda badan qaba in doorashadu noqoto mid dadban balse la kordhin karo kaqaybgalka dadweynaha, halka dhanka Dowladda ay ku doodeyso doorasho dadweyne.

Jiitanka Wadahadalka iyo Wadatashiga u dhexeeya madaxda labada heer ee DFS ayay horseedi kara in madaxda Dowlad-goboleedyada waarkood saluugaan qaabka howshu u socota.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa ku sugan Madaxweynaha DFS, Ra’iisul Wasaarihiisa Xasan Cali Khayre, Madaxda Dowlad Goboleedyada Galmudug, Puntland, Jubbaland, KGS iyo Hir-Shabeelle.

Shalay kulan hordhac ayay yeesheen Madaxda DFS iyo DG, waxaana shir Guddoomiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, lagama soo saarin qodobo rasmi ah oo ay isla garteen, kaliya waxaa lagu sifeeyay mid is arag ah.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post