1236 Views

Kenya oo adkeyneysa amniga Macalimiinta,kadib weerarkii Al-Shabaab

Kenya oo adkeyneysa amniga Macalimiinta,kadib weerarkii Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 15, 2020—Maalmihii la soo dhaafay waxaa Macalimiinta aan u dhalan deegaano ka tirsan gobolka Waqooyi Bari waxaa ay bilaabene inay isaga cararaan deegaannadaas,kadib markii dhowr weerar ay Al-Shabaab macalimiin ku dileen.

 

Hayeeshee Dowladda kenya ayaa sheegtay in la sugi doono amniga Macalmiinta loogana baahan yahay inay sii wataan Shaqadooda,isla markaana aysan u baqin amnigooda.

 

 

 

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada dalka kenya Prof. George Magoha ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ku dadaali doonto sidii ay amni u heli lahaayeen Macalimiinta aan u dhalin Gobolka Waqooyi Bari ee u baqay amnigooda.

 

Waxaa uu sheegay Wasiirka in Macalimiinta ay muhiim u yihiin waxbarashada ardayeda taas bedelkeedana Kenya ay ka go’an tahay sugida amniga Macaliminta iyo guud ahaan muwaadiniinta Kenyanka ah.

 

Dhawaan waxaa ka dhacay qeybo kamid ah ismaamulka Garissa gaar ahaan deegaanada Dadaab Iyo Faafi weeraray fuliyeen Al-Shabaab oo ay ku dhinteen 4 arday iyo 3 macallimiin ah, taas oo keentay in qeybaha kale ee Kenya ay isaga baxaan dugsiyada ku yaalla Macalimiintiui ka howlgalayey.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment