1422 Views

R/wasaaraha Ciraaq oo dalbaday in ciidamada Maraykanka laga saaro Ciraaq.

R/wasaaraha Ciraaq oo dalbaday in ciidamada Maraykanka laga saaro Ciraaq.
____________________________________________________________________________

\Axad: july 25 2021

R/wasaaraha Ciraaq Mustafa Al-Kadhimi oo la hadlay wakaaladda
wararka AP ayaawaxaa uu sheegay in waxa ugu horeeyay ee uu kala
hadlayo m/weynaha Maraykanka Joo Bidhen in ciidamada Maraykanka laga
saaro dalkaas Ciraaq.


R/wasaare Mustafa waxaa uu waraysigiisa ku sheegay inaan hadda dalka
Ciraaq looga baahneyn cidamo ajanabi ah oo la dagaalama ururada
hubeysan ee Daacish ka mid yahay.


Inay Maraykanka uga baahanyihiin taageero tababar iyo agab kaliya ayuu
sheegay hase ahaatee waxaa uu ku faanay in ciidamada dalkiisa ay ku
filanyihiin la dagaalanka ururada hubeysan gaar ahaan Daacish.


Maraykanka ayaa qorsheynaya inuu dalka Ciraaq kala baxo qiyaastii 3 kun
oo askari oo dalkaasi ka jooga waana ajandaha ugu weyn ee ay Bidhen iyo
Al-Kadhimi ka wada hadlayaan kulankooda todobaadkaan dhacaya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post