3177 Views

Imaaraadka oo ku taageeraya Khaliif Xaftar in uu qabsado xukunka Liibiya

Imaaraadka oo ku taageeraya Khaliif Xaftar in uu qabsado xukunka Liibiya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 30, 2018 – Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa faafisay maqaal dheer oo ku saabsan heerarkii uu soo maray hoggaamiyaha lamadegaanka Liibiya ka soo jeeda ee Khaliifa Balqaasim Xaftar, waxa uu ahaa wadaay iyo gacantii midig ee hoggaamiyihii geeriyooday ee Liibiya Qaddaafi, balse markii kacdoonka ka dhanka ah xukunkii Qaddaafi uu billowday waxa uu ku biiray xoogaggii dumiyey xukunkii halka nin ahaa ee liibiya, kaas oo ka talinayey Tiriboli (Tripoli),  muddo ku dhow 40; sano.

Warbixinta Reuters; ayaa lagu sheegay in madax reer galbeed ah ay xagga dambe ka riixayaan sidii uu  lahaa Khaliif Xaftar  uga mid noqon lahaa musharixiinta ku tartamaya doorashooyinka Liibiya ee soo aaddan.

Waxa aywarbixintu si faahfaasan u dabool qaadday in dowlado ay Raashiya kamid tahay ay taageero xoogga siinayaan Khaliif Xaftar, iyaga oo ku gacan siinayaa tartanka uu u gelayo in uu noqdo madaxweynaha xiga Qaddaafi, taas oo kadhigan in khaliifku yahay Qaddaafi labaad oo Liibiya yeelanayso.

Dowlado Carbeed oo Dubai iyo Qaahira kamid yihiin ayaa ku jira dhinacyada Xaftar la raba in uu uu qabsado xukunka Liibiya oo hodon ku ah Shidaalka.

Reuters; ayaa sheegtay in Khaliif  Xaftar qarka u saran yahay in uu noqdo hoggaamiyaha Mustaqbalka ee Liibiya, calaamadaha muujiyey madaxtinimada Xaftar waxaa kamid ah duulimaadkii uu ku tegey Tuunus iyo la soo noqoshadii uu la yimid ciidan badan oo wejigu u qarsoon yahay, kuna hubeysan hub badan oo ay ku jiraan qoryaha darandooriga u dhaca iyo Bambaanooyin, taas oo u muuqatay isbandhig dhinaca awoodda ah oo sababtay cambaareyn khuburo dhinaca hubka oo ka tirsan QM.

Warbixinta Reuters; ayaa lagu sheegay in Xaftar uu kulamo qarsoodi ah kula yeeshay madax iyo danjirayaal reer galbeed ah waddamada Faransiiska iyo Talyaaniga, waxa uu isu arkaa Khaliif Xaftar in uu yahay nin awooda in uu Liibiya ku soo celiyo deganaansho siyaasadeed kaddib sanado hardan iyo dagaal ka socdo Liibiya.

Khaliif Xaftar oo hadda 75;jir ah ayaa ahaa saaxiib hore oo ay xiriir iyo wadashaqeyn ahaayeen hoggaamihii Liibiya Qaddaafi, waxaa uu Xaftar ku soo laabtay Liibiya ka hor 7; sano, waxa uu ka yimid Mareykanka si uu uga mid noqodo kacdoonkii ay Nato ku taageertay duminta iyo soo afjaridda xukunkii halka nine e Liibiya oo talinayey 40; sano.

. 

Isha: Reuters

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment