951 Views

Galmudug oo digniin u dirtey Maamulka Puntland

Galmudug oo digniin u dirtey Maamulka Puntland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Khamiis   , March 12, 2020 —Afhayeenka Cusub ee Maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed) ayaa sheegay in hoggaankii Ururka Ahlusuuna ee looga awood roonaadey dagaalkii ka dhacay Dhuusareeb ay ahaayeen kuwo aan laheyn hadaf ,isla markaana ay ahaayeen Shaqsiyaad dano gaar ah watey.

 

Waxaa uu sheegay in dhamaan dadka ku nool deegaannada Galmudug looga bahaan yahay inay la qabsadaan nimaadka jira,sidoo kalena doorweyn ay ka qaataan sidii loo sii wadi lahaa dhismaha Galmudug si loo gaaro horumar.

 

 

 

Dadka deegaanka ayuu sheegay inay taageeri karaan cid kasta oo ay doonayaan,hayeeshee marnaba aan la ogolaan doonin in la bilaabo waxyaabo keeni karo amni darro ka dhacda deegaannada Galmudug.

 

“Waxaan idaacadaha ka maqlay hadii ay Hoggaankii Ahlusunna meesha ka baxeen in Shabaab imaanayaan,waxaas wax la aqbali karo ma ahan,waxaana idiin sheegayaan in dhamaan Ciidamada Jooga Galmudug ilaa Matabaan ay yihiin Ahlusunna,dadkana laga doonayo inay iyaga tashadaan ayuu yiri:Taardhuleed.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Maamulka Puntland oo ah Maamul deris la’ah Maamulka Galmudug inay ilaaliyaan dowladnimada iyo nidaamka,balse isagu uusan ka xumeen inay soo dhaweeyeen hoggaanka Ahlusunna,balse Madaxda Puntland aysan jecleyn in Galmudug dhisanto.

 

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Afhayeenka Maamulka Galmudug in uu uga digayo puntland inay faragelin ku sameyso Arrimaha Galmudug,isaga oo sheegay hadii ay joojin waayaan ay dadka Reer Galmudug Puntland ka tashan doonaan.

 

Si kastaba hadalka Afhayeenka Maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed) ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan hoggaanka Ururka Ahlusunna ee looga awood roonaadey dagaalkii ka dhacay Dhuusamareeb ay Puntland martigelisay,sidoo kale qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Galmudug ay ku eedeyeen Puntland inay kasoo horjeedo in Maamul rasmi ah ay yeelato Galmudug.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment