564 Views

Mareykanka oo howlgal milateri ka fuliyay biyaha Ruushka

Mareykanka oo  howlgal milateri ka fuliyay biyaha Ruushka
____________________________________________________________________________


Axad: February 13, 2022

Iyadoo ay weli xiisad ka taagan tahay xadka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine ayaa Mareykanka wuxuu beeniyay in uu howlgal milateri ka fuliyay biyaha Ruushka ee badweynta Pacific-ga.

Afhayeen u hadlay militariga Mareykanka ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin sheegashada Moscow ee ah in ay ceyrisay markab badda hoostiisa mara ee Mareykanka uu leeyahay.

Waxa uu intaa ku daray in Maraykanku aanu ka hadli doonin goobta saxda ah ee ay ku sugan yihiin maraakiibtooda balse ay si nabad ah uga hawlgalaan biyaha caalamiga ah.

Ciidamada badda ee Ruushka ayaa Jimcihii dhoolatus ka sameyay Crimea.

Khubarada milateri ayaa tilmaamay in dhoolatuska uu Ruushka ka wado dalka Belarus ay khatar weyn ku tahay caasimadda Kyiv, oo haddii uu dagaal qarxo ay Moscow si sahlan ku weerarri karto magaaladaas xarunta u ah Ukraine.

Dalal badan ayaa ugu baaqay muwaadiniintooda inay ka baxaan Ukraine, waxaana kamid ah UK, Canada, Netherlands, Latvia, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Ruushka ayaa ku eedaysay dalalka Galbeedka inay faafinayaan macluumaad been ah.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post