978 Views

Wiil Soomaali ah oo walaalkiis ku dilay Mareykanka

Wiil Soomaali ah oo walaalkiis ku dilay Mareykanka
____________________________________________________________________________


khamiis: March 17, 2022

Sakariya Hirad oo ah wiil Soomaali ah, ayaa la sheegay in uu dil ugu geystay magaalada Columbus ee gobolka Ohio ee dalka Mareykanka, walaalkiis ka weyn oo lagu magacaabi jiray Maamed Hirad, isagoo dilka walaalkiis u adeegsaday Tooreey sida ay xaqiijiyeen Booliska Magaaladaas.

Dilka marxuumka waxaa uu si gaar ah ugu dhacay Magaalada Columbus guri ku yaalo oo ay wada daganaayeen labada walaalaha ah kaas oo ku yaalo waqooyiga magaaladaas  ee dalka Mareykanka.

Marxuumka la dilay waxaa la sheegay in da,diisa ay tahay 20 Sano jir, iyadoo uu u geeryooday Sakariye Hirad dhaawac culus oo kasoo gaaray Tooreyda, kadib markii la geeyay Isbitaal si loogu dabiibo.

Sidoo kale, Ciidanka Booliska ayaa tilmaamay in dilka uu si gaar ah ugu dhacay xaafada ay qoyska wiilasha walaalaha ah ay wada dagan yihiin taas oo ku taala waddada Lepage Court, ee magaalada Columbus ee gobolka Ohio ee dalka Mareykanka.

Ugu dambeyn waxaa ay sheegeen Booliska in ay baaritaano ku wadaan Sakariya Hirad oo ah kan walaalkiisa nafta dhaafiyay, kaas oo la xiriira sababaha walaalkiisa ka weyn uu dilay.

Office Nairobi Kenya



_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post