1548 Views

Xaaf oo dowladda dhexe ku eedeeyay dilalkii ka dhacay Galmudug

Xaaf oo dowladda dhexe ku eedeeyay dilalkii ka dhacay Galmudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Nofeembar 12, 2018 —Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa dowladda dhexe ku eedeeyay in dhibaatooyinkii saacaddihii lasoo dhaafay ka dhacay degaano ka mid ah maamulka Galmudug ay qeyb ka aheyd.

Xaaf ayaa sheegay in dilalkii ka dhacay Cadaado, Hobyo, Balanbale iyo Afbarwaaqo ay ahaayeen Ukumihii ay abuurtay dowladda dhexe ee Soomaaliya oo qarxay.

Madaxweyne Xaaf ayaa sidoo kale sheegay in Khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada uu noqday mid daba dheeraaday oo xilligaan qarka u saaran in uu dalku burburo.

Waxaa uu sheegay in aysan jirin horumar laga sameeyay Soomaaliya iyo degaanada Galmudug intaba sanadii lasoo dhaafay sababo la xariira Khilaafka ka dhex jira dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment