888 Views

Kulan looga hadlaayay isu soo dhoweynta Maamulada oo Muqdisho lagu qabtay

Kulan looga hadlaayay isu soo dhoweynta Maamulada oo Muqdisho lagu qabtay
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 15 , 2019 | QOL |   –Guddiga Madaxa bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay kulan lagu gorfeynayo isu soo dhoweynta Maamulada uu ka dhaxeeyo Soohdimaha dhuleed.

 

Shirkan oo loo qabtay Dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Koonfur galbeed ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socday labadaas maamul Dowlad goboleed oo dhammaantood ku qancay shaqada ay guddiga u hayaan Qaranka si weynna ugu bogaadiyay.

 

 

 

Sidoo kale, Xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo goobjoog ah kulanka ayaa dhankooda soo dhoweeyay kulanka oo ay soo agaasimeen guddiga madaxa bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Soomaaliya,waxayna balan qaadeen iney la shaqeyn doonaan guddiga guddiga iyo maamul goboleedyada dalka.

 

Gudoomiyaha gudiga Madaxa bannaan ee Xudduudaha  iyo Federaalka  Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdikariin Maxamed ayaa mid mid u soo hadal qaaday soohdinaha maamul goboleedyada dalka,isagoo soo kalena carabka ku dhuftay waxqabadka guddiga mudadii ay jireen iyo halka ay wax marayaan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment