960 Views

Shabakad ka Ganacsan jirtay Carruurta oo Muqdisho lagu qabtay

Shabakad ka Ganacsan jirtay Carruurta oo Muqdisho lagu qabtay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 12 2019 —Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in Ciidamada Booliska  ay soo qabteen Shabakad ku howlaneed ka Ganacsiga Carruurta taas oo in mudo ah ay ku raadjoogeen Ciidamada Amniga.

 

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in soo qabashada Shabakadaas ay ku guuleysteen Ciidamada Booliska gaar ahaan Hoggaanka Dembi Baarista ee CID,isla markaana lagu soo qabtay 11 eedeysaniyaal oo 8 ka mid ah ay yihiin Haween.

 

“Ciidanka Boliiska gaar ahaan Hoggaanka Dembi Baarista ee CID ayaa soo qabtay shabakad ka ganacsata caruurta taasoo la daba joogay muddo hal bil waxaana howlgalkaas lagu soo qabtay 11 eedeysanayaal oo 8 ay yihiin haween.

 

Sidoo kale Taliye Zakiya ayaa waxaa ay hadalkeeda intaasi ku dartay in Ciidamadu ay soo badbaadiyeen 11 Carruur ah oo ay Shabakada doonayeen inay iibsadaan,hayeeshee Ciidamada Booliska Soomaaliya ay la sugayaan waalidoontooda si ay ugu wareejiyaan.

 

Taliye Zakiya ma sheegin Magacyada dadka lasoo qabtay,xilliga uu dhacay howlgalka lagu soo qabtay iyo goobta laga soo qabtay,hayeeshee ay sheegtay in Boolisku uu dib ka faah faahin doono.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment