1224 Views

Haweenkii garsoorayaasha ka ahaa Afghaanistaan oo noloshooda halis ku jirto

Haweenkii garsoorayaasha ka ahaa Afghaanistaan oo noloshooda halis ku jirto
____________________________________________________________________________

Talaado: September 28, 2021

Haweenka reer Afgaanistaan, ee garsoore ka soo noqday xukuumaddii hore, ayaa BBC-da u sheegay in ay naftooda u baqayaan.

Haweenkaas qaarkood ayaa sheegay inay dhuunteen, kadib markii Taalibaanka ay la wareegeen gacan ku haynta dalkaas, iyagoona lagu qasbay inay dhowrkii maalmoodba ay mar beddelaan goobta ay ku sugan yihiin.

Mid ka mid ah, oo xukun ku ridday xubin ka tirsan Taalibaan kadib markii uu dilay xaaskiisa, ayay sheegtay in maxbuuska oo hadda laga sii daayay xabsiga, uu ku daba jiro, isagoona ugu hanjabay inuu dilayo.

Afhayeen u hadlay Taalibaan ayaa BBC-da u sheegay in ballanqaadkoodii ahaa, cafiska guud ee loo fidinayo shaqaalaha dawladdii hore la dhowri doono.

U dhaq dhaqaaqayaal, ayaa qiyaasaya in in ka badan 2 boqol oo garsoore dumar ah ay weli ku sugan yihiin Afgaanistaan ayna noloshooda halis ku jirto.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post