3996 Views

Ciidanka Itoobiya oo ka baxaya degmo ka tirsan gobolka Bakool

Ciidanka Itoobiya oo ka baxaya degmo ka tirsan gobolka Bakool
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 25, 2016: Ciidamada dowladda Itoobiya ee ku sugan degmada Tayeeglow ee gobolka Bakool ayaa u sheegay maamulka Koonfur Galbeed, in ay iskaga baxayaan degmadaasi maalmaha nagu soo aadan.

Saraakiil ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed  ayaa sheegay in ay wadaan dadaal lagu doonaayo in ciidamo dheeraad ah lagu geeyo degmada Tayeeglow ka hor inta aysan ka bixin ciidanka dowladda Itoobiya.

Taliyaha ciidanka Booliska maamulka Koonfur Galbeed ee degmada Tayeeglow, Cabdi Aadan, ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in ay Al-Shabaab  soo galaan degmada Tayeeglow.

Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale ciidanka booliska maamulka Koonfur Galbeed ayuu sheegay taliyuhu in ay difaacayaan degmada Tayeeglow hadii ay kabaxaan ciidanka dowladda itoobiya.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment