753 Views

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo tacsi u diray dadkii ku dhintay qaraxii Degmada Berdaale

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo  tacsi u diray dadkii ku dhintay   qaraxii  Degmada Berdaale
____________________________________________________________________________

Sabti: November 20, 2021

Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan shacabkii Koonfur Galbeed ee ay ka geeriyooday qaraxii shalay dhacay Degmada Berdaale ee Gobolka Baay.

Wuxuu sheegay Lafta gareen in qaraxaasi lala beegsaday dad aan waxba galabsan, kuwaas oo masaakiin ah, isagoo sheegay in ay sii wadi doonan baaritaanada dhacdadaasi.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed  gaar ahaan kuwa Koofur Galbeed ugu baaqay isku duubni, wadajir iyo sii joogteynta la shaqeynta laamaha ammaanka, si looga guuleysto weerarada ururka Al-Shabaab.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxan argagixisadu ay maanta ku xasuuqday shacabka birimagaydada ah waxa uu muujinayaa yoolkooda foosha xun ee salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan dadkeenna iyo sida ay nolol iyo xasillooniba ugu diiddan yihiin shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka Koonfur Galbeed”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed  gaar ahaan kuwa Koofur Galbeed ugu baaqay isku duubni, wadajir iyo sii joogteynta la shaqeynta laamaha ammaanka, si looga guuleysto weerarada ururka Al-Shabaab, isagoo Alle uga baryey muwaadiniintii ku geeriyooday qaraxaas bahalnimada ah in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, kuwa kale ee ay dhaawacyadu ka soo gaareenna uu Eebbe u boogo dhayo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post