954 Views

SAWIRO:-Qaar kamid ah dhaawacyada qarixii shalay oo Dibadda loo qaaday

SAWIRO:-Qaar kamid ah dhaawacyada qarixii shalay oo Dibadda loo qaaday
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 29–2019 | —Diyaarad Millateri oo dowladda turkiag u soo dirtay Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay Magaalada Muqdisho ka qaaday tiro kamid ah dadkii ku dhaawacmay qarixii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

 

Diyaaradda oo ay la socdaan dhaqaatiir farabadan ayaa waxaa ay Magaalada Muqdisho ka qaaday 12 kamid ah dadkii ugu darnaa ee qaraxa ku dhaawacmay,kuwaas oo ay ku jiraan laba muwaadin oo u dhalatay dalka Turkiga.

 

 

 

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya iyo Guddiga gurmadka ee uu Magacabey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa ay ka sagootiyeen Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.

 

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Danjire Jaamac Cabdullahi Caydiid ayaa sheegay in dalka Turkiga isbitaallada ku yaalla looga diyaar garoobey dhaawacyada la geynayo,isla markaana dowladda Turkiga iyo Shacbaka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi ay kaalin wyen ka qaadan doonaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment