1632 Views

Sawiro:-RW Kheyre Oo Booqday Dhaawacyada Qaraxyadii Shalay

Sawiro:-RW Kheyre Oo Booqday Dhaawacyada Qaraxyadii Shalay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Diseembar 23, 2018 –Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale ayaa xalay saqdii dhexe wuxuu booqday qaar kamid ah isbitaaladii la dhigay dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalay Al-shabaab ay  ku laayeen dadka shacabka ah.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa dhaawacyadaasi ku booqday Isbitaalada Madiina iyo Digfeer oo la dhigay dadka ugu badan,wuxuuna u kuurgalayay xaaladoodi caafimaad iyo in ay helaan adeegyo caafimaad oo kufilan iyo in kale.

Raiisull wasaaraha ayaa bokaanada si toos ah ula wadaagayay dareenkiisa,isagoo mid mid u xog wareysanayay,halka kuwa aan xaaladoodi ka sheekeyn karina uu ka xog wareysanayay eheladooda iyo dhaqaatiirka isbitaaladaasi.

Wuxuu Alle uga baryay in uu caafimaad siiyo dhaawacyada,isagoo umadda Soomaaliyeedna uga tacsiyadeeyey dadkii kale oo ku dhintay qaraxyadaasi.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/rashiid Maxamuud oo kamid ahaa mas’uuliyiintii wehlisay raiiusl wasaaraha ayaa ka hadlay kormeerkoda iyo waxyaabihii ay la kulmeen.

“Waxaan soo marnay isbitaalada Madiina iyo Digfer marka shacabka waxaaan u sheegayna in raiisul wasaaraha uu u taagan yahay in uu u shaqeeyo shacabka,waxaa taasi daliil u ah in xili dambe oo habeen ah uu socdo oo idinka warqabo,yaan la niyad jebin dalka wuu hagaagidoonaa,waan ka adkaan doonaa kooxahaasi,gacmo wdajir bay wax ku gooyaan ha la isku duubnaado,marka Soomaaliya waxaan u rajeynayaa guul iyo gobanimo.

Labo qarax oo lo adeegsaday gawaari ayaa shalay Al-shabaab waxaa ay dad shacab ah kula beegsadeen agagaarka Matxafka Qaranka iyo Taaladda Daljirka,dadka shacabka ah ay ku dhibaateeyeen qaraxyadaasi,tani ayaa sii kordhinaysa nacaybka bulshadu ay u qabaan Alshabaab,waxaana sidoo kale kor u qaadaysaa hamigii ahaa in meel looga soo wada jeesto Al-shabaab

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment