609 Views

Xiisad dhaqaalaha ah oo ka taagan garoonka diyaaradaha Baledweyne.

Xiisad dhaqaalaha ah oo ka taagan garoonka diyaaradaha Baledweyne.
____________________________________________________________________________

Axad: December 12, 2021


Waxa xiran qeybta Tarminalka cusub ee garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baledweyne sababo dhinaca dhaqaalaha ah taas oo ay isku fahmi waayen shirkadii dhistay, maamulka gobalka Hiiraan iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle

Dadkii maanta ka duulayay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne oo aan xariira kala duwan la sameynay waxey sheegen in albaabada loo laabay qeybtii Tarminaalka oo ay dadku ku nasan jireen isla markaana mudo saacada ah ay siyaarada ku sugayeen meel banaan ah.

Wararka ayaa waxey intaasi ku darayaan in arinta xiritaanka garoonka ay timid kadib markii shirkadii dhistay qeybta tarminaalka ay dalbatay in lacag laga qaado dadka ka baxaya garoonka iyo kuwa kasoo degaya taas oo ay isku fahmi waayen maamulka gobalka, shirkada hogaanka Hirshabelle.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post