534 Views

Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo sheegay in gacanta lagu soo dhigay dad lagu tuhmayo dilkii Gudomiyaha Degmada Xamarjajab

Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo sheegay in gacanta lagu soo dhigay dad lagu tuhmayo dilkii Gudomiyaha Degmada Xamarjajab
____________________________________________________________________________

.

.

April 17, 2021

Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa goor dhawayd shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay dad lagu tuhmayo dilkiio Gudoomiyaha Degmada Xamarjajab oo lagu Dilay sarkuus.

Qoraalka Booliska ayaa sidoo kale lagu xusay inay haatan socota baaris lagu hayo eedeysanayaasha la soo qabtay oo la rumeysanyahay in ay ku lug lahaayeen falkaasi.

Qoraalka ayaa u qornaa sidaan

“Xalay fiidkii ayaa Sar-kuus duleedka Muqdisho lagu dilay Maxamed Cabdi Xayle           (Guddoomiyihii Degmada Xamar Jajab) ee Gobolka Banaadir. Ma aynaan cadeyn qaabka loo dilay guddoomiyaha, waxaa loo hayaa eedeysanayaal la rumeysanyahay in ay ku lug lahaayeen falkaas, baaristiisana waa socotaa,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee taliska Booliska Soomaaliya.

Sidoo kale waa gudoomiyihii 2-aad oo billo gudahood lagu dilo Magaalada Muqdisho. 21-kii bishii January ayay ahayd markii la dilay Gudoomiyihii Degmada Hodan, Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhegajuun), oo ku dhintay israsaaseyn Ciidanka Booliska iyo ilaaladiisii ku dhex martay inta u dhaxeyso Isgoysyada Aadan Cadde iyo Hawlwadaag

Office Nairobi Kenya

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post