1098 Views

Xilliga lagu dhawaaqayo liiska Xildhibaanada KGS oo la shaaciyay

Xilliga lagu dhawaaqayo liiska Xildhibaanada KGS oo la shaaciyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Arbaco  , March 18, 2020 —Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in sirasmi ah loogu dhawaaqo liiska Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed,kuwaas oo xulistooda ay ka socoto Magaalada Baydhabo.

 

Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee so xulista Xildhibaannada Koonfur Galbeed Maxamed Keeroow Maxamed ayaa sheegay in inta badan shuruudihii laga doonayay qofka doonaya in uu kamid noqdo Baarlamaanka koonfur Galbeed ay Xubnaha soo buuxiyeen.

 

 

 

Waxaa uu sheegay inay jiraan xubno u sharaxan Xubinimada Xildhibaan ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed ay soo gudbiyeen shuruudaha,kuwaas oo sidoo kale is diiwaangeliyey,hayeeshee Xarunta Guddiga dib ugu soo laaban.

 

Dhamaan xubnaha is diiwaangeliye ee doonaya inay kamid noqdaan Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu sheegay inay fursad u heystaan inay soo gudbiyaan inta ka dhiman ilaa Maqribnimada Caawa qof walbana laga doonayo in uu soo maro Taliska Ciidanka Nabadsugida Koonfur Galbeed.

 

Si kastaba Baarlamaanka Cusub ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sanadkaan waxa uu noqonayaa 95 Mudane,kadib markii ay isku raaceen Madaxweynaha Koonfur Galbeed & Odayaasha Dhaqanka,waxaana uu horay u ahaa 149 Mudane.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment