885 Views

Erik ten Hag oo loo magacaabay tababaraha Manchester United

Erik ten Hag oo loo magacaabay tababaraha Manchester United
____________________________________________________________________________

Khamiis: April 21, 2022

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa Erik ten Hag u magacowday inuu noqdo tababaraha cusub ee kooxda, ayada oo la gaartay qandaraas ku eg June 2025, laguna kordhin karo sanad kale.

Ten Hag ayaa beddelaya macallin Ole Gunnar Solskjær oo xilka laga eryey bishii November 2021 iyo Ralf Rangnick oo xilkaas si ku-meel gaar ah u haya illaa dhammaadka xilli cayaareedkan.

Macallinka reer Holland Ten Hag, oo hadda leyliya kooxda Ajax Amsterdam ee dalkiisa, ayaa xilka tababarenimo ee United la wareegi doona xilli cayaareedka soo socda, ayada oo qanadaraaskiisa uu billaabmayo bisha June 2022.

Agaasimaha cayaaraha Manchester United John Murtough, ayaa yiri “afartii sano ee uu joogay Ajax, Erik wuxuu caddeeyey inuu yahay mid ka mid ah tababareyaasha ugu xiisaha badan uguna guulaha badan Yurub, isaga oo lagu yaqaan kubadda weerarka ku dhisan ee kooxdiisa iyo sida uu dhallinyarada u cayaarsiiyo.

Erik ten Hag ayaa isna yiri “waa sharaf weyn in la ii magacaabo macallinka Manchester United, aad ayaana ugu faraxsanahay caqabadaha i horyaalla. Waan aqaan taariikhda kooxdan weyn, xamaasadda taageerayaasha, waxaana iga go’an inaan dhiso koox siisa guulaha ay u qalmaan.”

“Way adkaan doontaa inaan ka tago Ajax kadib sanado badan oo aan caadi aheyn, waxaana u xaqiijinayaa taageerayaasha inay iga go’an tahay inaan xilli cayaareedkan ku dhameeyo guul kahor inta aan u dhaqaaqin Manchester United.”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post