579 Views

Gudoomiyaha Degmada Doolow oo kulan la qaatay Wafdi ka socday UNICEF iyo IOM.

Gudoomiyaha Degmada Doolow oo kulan la qaatay Wafdi ka socday UNICEF iyo IOM.
____________________________________________________________________________

.

Talaado: February 8, 2022

Gudoomiyaha degmada Doolow  Mohamed Hussein Abdi (Lafay) iyo maamulkiisa ayaa shir la qaatay wafdi ka socday haayadaha UNICEF iyo IOM ee Soomaaliya oo booqasho kusoo gaaray degmada Doolow.

Ujeedka Booqashada ayaa daarneed in gurmad iyo gargaar lala gaaro dadka ay abaaraha saameeyeen ee kusoo barakacay degmada Doolow kuwaasi oo ay haystaan duruufo iyo baahiyo adag oo ka dhashay Roob la’aanta ka jirto gobolka.

Waxaa sidoo kaloo kulanka qayb ka ahaa ururada bulshada rayidka ah sida odayaasha dhaqanka, ururka haweenka & ururka dhalinyarada degmada Doolow

Gudoomiyaha degmada Doolow ayaa warbixin fiican ka siiyay baahida guud ee ka jirto gobolka iyo tan gaarka ah ee ka taagan degmada Doolow.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post