144 Views

Fatahaada Wabiga Shabeele oo adkeysay nolosha shacabka ku nool deegaanka

Fatahaada Wabiga Shabeele oo adkeysay nolosha shacabka ku nool deegaanka
____________________________________________________________________________

Wabiga Shabeelle ayaa fatahaado hor leh ka geystay gobolka Shabeellaha hoose, waxyar uun kadib markii gobolka uu kasoo kabanayay dadkii ka dhashay El-Nino oo dalka intiisa badan maran 2023, fatahaadda ayaa siweyn u saameysay dhul u badnaa beero sida ay sheegayaan dadka shacabka ah.

Fatahaadda Wabiga ayaa ku dhufatay deeganno hoos taga degmada Walanweyn ee gobolka, waxaana dhulka intiisa badan lagu sheegay dhul beereed, biya ayaa qaaday dalagyadii dhowaan la beeray oo la sugayay in dhowaan la gurto, sidoo kale biyaha ayaa saameeyay isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in biyaha qulqulaya ay sidoo kale jareen wadada isku xirta Walanweyn iyo gobolka Baay, shacabka ku nool ayaa baaq u diray dey’adda SODMA iyaga oo dalbanaya in gargaar lala soo gaaro, biyaha ayaa kusii baahaya deegaanno hor leh oo hoostaga degmada Walanweyne ee gobolka.

Fatahaadda Wabiga ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli gobolka intiisa badan wali ay ka jiraan raadadka uu ka tagay daadkii dhowaan maray, kaas oo inta badan gobollada dalka iskumid usaameeyay, Biyaha xadiga badan ee socda ayaa waxa la sheegayaa in ay ka imaanayaan dhanka Itoobiya xilligaan oo Jilaal la galay.

Dhowaan ayey aheyd markii ay soo baxeen digniino hor leh oo shacabka looga digayo in ka feeljignaan ka muujiyaan daadad markale ku dhfan kara dalka, xilli dalalka Bariga Afrika qaarkood ay wali ka da’ayaan roobab, laakiin dowladda Itoobiya ayaa soo fasaxday biyo badan, kuwaas oo buux dhaafiyay Shabeelle.


Wabiga Shabeelle oo tan iyo sanadkii 1988 aan helin wax carro bixin ah ayaa waxa buux dhaafiyay bacad badan oo diidan inuu qaado biyo badan, waxaana marwaliba oo biyo badan ay ka imaadan Itoobiya ay aad u saameysaa dadka ku nool jiinka wabiga oo dad beeraley ah u badan, kuwaas oo khasaare la kulma.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post