549 Views

Booliiska Gobolka Mudug oo sheegay in hawlgal qorshaysan ay xalay ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo ay ku qabteen khamri

Booliiska Gobolka Mudug oo  sheegay in hawlgal qorshaysan  ay xalay ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo ay ku qabteen khamri
____________________________________________________________________________

Arbaco: November 3, 2021

Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Mudug ayaa sheegay in hawlgal qorshaysan oo ay xalay ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo ay ku qabteen khamri tira badan iyo kooxdii ka ganacsanayay.

Saraakiil ka tirsan Booliiska ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in hawlgalka oo laga sameeyay Laanta 5-aad ee Xaafadda Yameyska Gaalkacyo ay ku qabteen 50 kartoon oo ay ku jiraan dhalooyin khamri ah iyo sidoo kale raggii watay Khamrigaas.

Saraakiisha ayaa tilmaamay in dhammaan xabsiga la dhigay kooxdii watay Khamriga oo hawlgalka lagu qabtay islamarkaana baaritaan lagu hayo si sharciga loo horgeeyo..

Sidoo kale waxay sheegeen in hawgalku sii socon doono inta Gobolka Mudug laga cirib-tirayo Khamriga iyo maandooriyaha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post