957 Views

Faah Faahin:-Ciidamo Ka Tirsan Dowladda Oo Lagu La’yahay Xeebta Magaalada Marka

Faah Faahin:-Ciidamo Ka Tirsan Dowladda Oo Lagu La’yahay Xeebta Magaalada Marka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October-21–2019 —Wararka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Xeebta Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Xeebtaas ay ku degtay Doon ay la socdeen Askar badan oo ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Doontan ayaa waxaa saarnaa ku dhawaad 10 Askari oo uu ku jiray Taliyahooda iyo hubkii ay wateen,kuwaasi oo ka tirsan Guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga dalka,waxaana Doonta ay kula degtay Xeebta Marka xili ay socdaal dhanka Badda ah ay ku jireen.

 

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in inta badan Askarta la soo badbaadiyay,halka saddex kalena weli lagu la’yahay badda,kuwaasi oo la socday doontii degtay.

 

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in uu socdo baadi xoogan oo loogu jiro sidii loo heli ahaa Askarta weli ku maqan Badda,waxaana Muqdisho laga diray dhowr doomood oo lagu raadinayo Askartaas.

 

Ciidankaan ay la dagtay doontii ay saarnaayeen ayaa la xaqiijiyay in ay ku socdeen safar dhanka Badda ah oo ay ku doonayen inay ku yimaadan Muqdisho, kadib markii ay adkaatay isu socdka wadada  xiriirisa Muqdisho iyo Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay Al-shabaab miinooyin ku aaseen wadada xeebta ee Marka iyo Muqdisho isku xirta.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment