1113 Views

Mareykanka oo Ciidamo farabadan kala baxaya Ciraaq

Mareykanka oo Ciidamo farabadan kala baxaya Ciraaq
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 10 2020
—Mareykanka ayaa in kabadan seddex meeloodoow meel ciidamadiisa kagala bixi doona Ciraaq todobaadyo gudahood, sida uu sheegay taliyahooda ugu sareeya ee Bariga Dhexe.

Jeneraal Kenneth McKenzie ayaa wariyeyaasha u sheegay in ciidamada Ciraaq jooga tiradoodu ay tahay 5,200 balse haatan lagu soo koobi doono 3,000 inta lagu guda jiro bisha Sebtember.

Maraykanka waxaa uu sheegay in ciidamada haray ay sii wadi doonaan la-talinta iyo caawinta ciidamada amniga ee Ciraaq si ay “u ciribtiraan” kooxda jihaad-doonka ah ee Daacish (IS).

Bishii la soo dhaafay, ayay ahayd markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu mar kale xaqiijiyey inuu qorsheynayo in dhammaan ciidamadiisa kala baxo Ciraaq sida ugu dhakhsiyaha badan.

Waxaa la filayaa in uu soo dhaweeyo in ciidamada Ciraaq la dhimo taas oo uu arko horumar laga gaaray balanqaadkiisi ololaha doorashada 2016ka oo uu ku sheegay in ciidamada Maraykanka laga soo saaro dagaalada aan dhamadka lahayn.

Joogitaanka ciidamada Mareykanka ayaa sidoo kale noqotay arinta ugu weyn ee Ciraaq tan iyo markii Mareykanka uu duqeyn diyaaradeed ku dilay Baqdaad, Jeneraalkii ugu sare ee reer Iran, Qasem Soleimani ,bishii Janaayo.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post