285 Views

Israel oo Maraykanka la wadaagaysa xogo sirdoon oo ku saabsan diyaaradaha Iran ee Ruushku u isticmaalay Ukraine

Israel oo Maraykanka la wadaagaysa xogo sirdoon oo ku saabsan diyaaradaha Iran ee Ruushku u isticmaalay Ukraine
____________________________________________________________________________

Khamiis: OCTOBER 27, 2022

Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa qorshaynaya inuu la wadaago madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden Arbacada, xogo sirdoon oo ku saabsan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay samaysay Iran oo ay ciidamada Ruushku u isticmaaleen dagaalka ay ka wadaan dalka Ukraine.

Xafiiska madaxweynaha Israa’iil ayaa sheegay in dalkiisu uu hayo caddaymo sawiro ah oo muujinaya sida ay isugu midka yihiin diyaaradaha lagu soo riday dalka Ukraine iyo kuwa ay Iran tijaabisay sannadkii 2021.

Ukraine iyo xulafadeeda reer galbeedka ayaa sheegay in Ruushku uu dhowaan adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dalka Iran ee loo yaqaano Shaheed-136, isaga oo ku weeraray qaybo badna oo dalkaas ah oo ay ku jirto caasimadda Kyiv.

Iran ayaa beenisay inay dalka Ruushka gaadhsiisay diyaaradahaas, halka Moscow ay lafteeduna ay iska fogaysay eedda loosoo jeediyey.

Biden ayaa Talaadadii soo saaray digniin adag oo uu uga digayo dalka Ruushka inuu u isticmaalo dagaalka Ukraine, bam ka mida noocyada halista ah ama hubka nukliyeerka.

Isaga oo sheegay in haddii Ruushku uu tallaabadaas qaado, uu samayn doono khalad weyn.

Warbixintan waxaa ku jira macluumaad laga soo xigtay Weriyaha VOA ee Qaramada Midoobay Margaret Besheer iyo Aqalka Cad ee Maraykanka, AP, AFP iyo Reuters.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post