798 Views

DFS iyo Jubbaland oo xal ka gaaraya khilaafka G/Gedo

DFS iyo Jubbaland oo xal ka gaaraya khilaafka G/Gedo
____________________________________________________________________________

Khamiis: JULY 28, 2022

Warar ay heshay Saxaafada ayaa sheegaya in dhawaan magaalada Muqdisho ay kulan ku yeelan doonaan Madaxda qaranka iyo madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe)

Kulankan ayaa waxaa looga hadli doonaa arrinta gobolka Gedo ,iyagoona ka shiri doono sida xalka looga heli karo khilaafkii siyaasadeed ka taagna gobolkaasi.

Dhinacyada ayaa la filayaa sidoo kale in ay kulankooda ku soo bandhigaan  qorshaha maamulka  Jubbaland loogu wareejin lahaa gobolka Gedo

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo haatan ku sugan Magaalada Nairobi ayaa lagu wadaa inuu soo gaaro Magaalada Muqdisho.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa kulamo gooni gooni ah waxaa ay ka socdeen Magaalada Kismaayo, kaasi oo looga arrinsanayay sidii loo dhameyn lahaa tabashada ay shacabka gobolka Gedo ka qabaan Maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam( Axmed Madoobe).

Sidoo kale masuuliyiinta ku sugan gobolka Gedo ayaa iyaguna kulamo waxaa ay ka yeelanayeen sidii Gobolka Gedo loogu soo dhaweyn lahaa madaxda dowladda Federaalka, si ay halkaasi u tagaan, maadaama horey uu sidaasi warbaahinta ugu sheegay taliyaha NISA ee Gobolka Gedo Bakaal Kooke.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post