762 Views

Diyaarad Ruush laga leeyahay oo ay la socdeen 29 qof oo lagu waayay Jasiiradda

Diyaarad Ruush laga leeyahay oo ay la socdeen 29 qof oo lagu waayay Jasiiradda
____________________________________________________________________________

Talaado: july 6 2021

Diyaarad Ruush laga leeyahay oo ay la socdeen 29 qof ayaa lagu waayay Jasiiradda Kamchatka ee bariga fog ee Ruushka, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee TASS oo soo xiganeysa maamulka Jasiiradda Kamchatka.

Wakaaladda TASS oo soo xiganaysa ilo wareedyo ayaa sheegtay in diyaaradda ay lumisay xiriirkii ay la laheed  Xarunta hagidda hawada taas oo keentay in gabi ahaanba la waayo Diyaaradda.

Waxaa heegan la galiyay Kooxda samata bixinta ee hoos taga Hey’adda Xaaladaha Deg-dega ah ee Ruushka, sidoo kale dhakhaatiirta caafimaadka ayaa isku diyaarinaya gurmad loo sameeyo dadkan Rakaabka ah ee  la’yahay.

Sidoo kale Wali  faafaahin lagama bixin halka ay Diyaaradda ka soo duushay, goobta ay ku wajahneed iyo waxa ay ka yihiin dadka saran Diyaaradda, balse waxaa la ogaaday in la waayay xilli ay dul mareysay Jasiiradda Kamchatka ee bariga Ruushka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post