1701 Views

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Oo War Ka Soo Saartay Dilkii Axmed Dowlo

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Oo War Ka Soo Saartay Dilkii Axmed Dowlo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 25, 2018–Weli waxaa taagan hadalheynta dilkii Marxuum Axmed Dowlo oo 20kii Bishaan lagu dilay xaafada Toowfiiq ee degamda yaaqshiid lana gubay.

Marxuumka ayaa waxaa loo dilay Sabab la xiriirta heybsooc dhinaca Guurka ah kadib markii Wiil uu Adeer u yahay uu guursaday Gabar ka dhalatay Qabaa’ilada loogu yeero Waaweynka.

Guddoomiyaha Majmaca Culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa marka hore u tacsiyadeeyey qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuum Axmed dwolo.

Waxa uu sheeegay isaga oo ku hadlayay Magaca Hay’adda Culimada Soomaaliyeed inay aad uga xun yihiin falkii lagu dilay Marxuum Axmed Dowlo,isla markan aya aheyd mid siweyn u taabato.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in Guurku uusan aheyn mi ddhibaato keena oo dadka kala fogeeya balse uu yahay mid Bulshada isku-soo dhaweeya oo xiriir fiican keena.

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment