1083 Views

C.Qaadir lugey oo xalay lagu dilay degmada Dhakeynley ee magaalada Muqdisho

C.Qaadir lugey oo xalay lagu dilay degmada Dhakeynley ee magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________


Axad: February 27, 2022

C/qaadir C/llaahi Lugey oo ahaa nin dhalinyaro ah ayaa Xalay  fiidnimadii lagu dilay degmada Dhakeynley ee magaalada Muqdisho

Dabley bastoolado ku hubeysan ayaa la soo sheegayaa iney geysteen dilka marxuumka, kuwaasoo markiiba goobta ka baxsaday sida la soo werinayo.

Dadka degaanka oo iskugu soo baxay goobta ayaa qaaday meydka ninkan oo si weyn looga garanayey degaanka.

Weli ma cadda sababta rasmiga ah ee loo dilay ninkan iyo cida ka dambeysa, inkastoo ay jiraan warar dadka degaanku isla dhexmarayaan oo ah inuu mar ahaan jiray gudoomiye Waaxeed ka tirsanaa maamulka degmada Dharkeynley.

Laamaha amaanka iyo maamulka degmada Dharkeynley ayaan ka hadlin dilka caawa loo geystay wiilkan dhalinyarada ah oo qeyb ka ah dilalka iyo weerarada had iyo jeer ka dhaca Muqdisho iyo qeybo kale oo ka mid ah dalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post