1737 Views

Dawlada Kenya Oo Samaysay Ciido Horleh Oo Ka Hortaga Al Shabaab

Dawlada Kenya Oo Samaysay Ciido Horleh Oo Ka Hortaga Al Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 24, 2018 –Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Ciidan ka hortaga Al-shabaab ay geyneyso degaanka Ijaara ee sohdinta la wadaaha Keynta Booni oo ay Al-shabaab saldhigyo ku leeyihiin.

Fred Matiang’I, oo ah Wasiirka amniga Gudaha Kenya ayaa sheegay in  Dowladd ay Ciidan geyneyso degaankaas  sidoo kalena ay isku xireyso shacabka iyo Hay’daha amaanka si loo bad baadiyo nafta iyo Hantida dadka Kenyaanka ah.

Hadalkan ayuu ka sheegay kulan uu la qaatay madaxda degaanka Ijaara ,kuwaas oo Wasiirka ku wareejiyay warqad ay ka diyaariyeen amniga degaanka iyo sida ay uga walaacsanyihiin.

Mas’uuliyiinta Warqadda saxiixay waxaa ka mid ahaa sanatarka laga doorto Gaarisa ee Yuusuf Xaaji,.Xildhibaanka Degaanka Ijaara Safiyo Nuur, Guddoomiye ku xigeenka Gaarisa Cabdi Deggane, iyo xildhibaanno kale oo galaha degaanka ee Gaarisa iyo Ijaara ka kala socday kuwaas oo ay ka midyihiin; Irshaad Cismaan, Caddoow Siciid, Cabdullagi Butul,Abuukar shide, iyo Ayaan Maxamed.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in wada shaqeyn la’aanta Ciidamada amaanka iyo dadka degaanka ay ka faa’ideysanayaan AL-shabab islamarkaana fulinayaan howlgallo ka dhanka ah dadka iyo Ciidanka amaanka.

Kenya ayaa 2015kii billowday howlgalka ay ugu magac dartay xoreynta Keynta Booni,hayeeshee ilaa hadda AL-shabab waxaa ay dagaal ka wadaan gudaha Kenya,iyada oo ciidanka Kenya ay wali kula dagaallamaan Keynta.

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment