696 Views

Amnesty International oo ku eedeysay ciidammada Eritrea Xasuuqii ka dhacay gobolka Tigray. bishii Nofeembar

Amnesty International oo  ku eedeysay ciidammada Eritrea Xasuuqii ka dhacay gobolka Tigray. bishii Nofeembar
____________________________________________________________________________

February  27 /2/ 2021

Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa warbixin ay maanta soo saartay waxa ay ku sheegtay in boqollaal qof oo rayid ah oo aan hubaysnayn ay ciidammada Eritrea bishii Nofeembar ee sanadkii tegay ku xasuuqeen magaalada taariikhiga ah ee Axum ee waddanka Itoobiya, intii uu socday dagaalkii gobolka Tigray.

Hay’adda ayaa waxa ay ciidammada Itoobiya kuwa Eritrea ku eedaysay inay gaysteen “dambiyo badan oo dagaal” waqtigii ay wadeen dagaalkii ay magaalada kula wareegayeen.

Dowladda Itoobiya ayaanan weli ka jawaabin warbixinta Amnesty International hasayeeshee Khamiistii ayey sheegtay in goor hore bilowday baaritaanka dambiyadii laga gaystay gobolka Tigray.Eritrea wali kama aysan hadlin eedeymahan.

Dilal aan sharciga waafaqsanayn, duqeymo aan loo meel dayin iyo boob baaxad leh ayaa ka mid ah tacaddiyada hay’adda Amnesty International ay ku eedeynayso ciidamada Eritrea in ay ka geysteen magaalada Axum, kaddib markii ay ciidamada Itoobiya gacan ka siiyeen in ay dib u qabsadaan magaaladaasi.

Warbixintan cusub ayaa muujineysa tacaddiyo iyo dambiyo la sheegay in ay magaaladaasi ka dheceen intii u dhaxeysay 19-kii ilaa 29-kii Nofeembar ee sanadkii tegay, xilligaasi oo ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea ay dagaal ugu jireen gacan ku haynta magaalada Axum

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post