669 Views

Al-shabaab oo sheegay in Weerar ku qaden inta u dhexeysa Mandheera iyo Wajeer ay ku qabten Guddoomiyihii deegaanka Gummareey..

Al-shabaab oo sheegay in Weerar ku qaden  inta u dhexeysa Mandheera iyo Wajeer  ay ku qabten Guddoomiyihii deegaanka Gummareey..
____________________________________________________________________________

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Kenya iyo dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Gobolka Waqooyi barri ee dalkaas.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu bilowday, kadib markii Al-shabaab ay weeerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka Booliska Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Gummareey ee ku yaalla inta u dhexeeysa Magaalada Mandheera iyo Gobolka Wajeer.

Dadka deegaanka ayaa ku warramay in muddo ku dhow saacad uu socday dagaalkii u dhexeeyay Ciidanka Kenya iyo Shabaabkii weerarka soo qaaday, kadibna ay halkaas isaga tageen Shabaabka oo xaaladda caadi kusoo noqotay.

Sidoo kale Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen in weerarkii dhacay ay ku qabteen Guddoomiyihii deegaanka Gummareey ugu magacaawnaa dowladda Kenya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post