750 Views

Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Galmudug oo la xaliyay gadoodkii ay ka sameeyeen maalmo ka hor

Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Galmudug oo la xaliyay gadoodkii ay ka sameeyeen maalmo ka hor
____________________________________________________________________________

.

Isniin: October 11, 2021

Wararka ka imaanaya magaalada galkacyo ayaa sheegaya in la xaliyay gadoodkii ay maalmo ka hor ay sameeyeen ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Ciidamadan ayaa 72 saac ee la soo dhaafay Xanibay isku socodka dadka iyo gaadiidka, kastamyada canshuuraha Magaalada Gaalkacyo. Laga qaado ee dhinaca Galmudug.

Sidoo kale Ciidamadaan ayaa gadood ka sameeyay cabasho ay ka qabaan bixinta mushaarka Ciidamada Daraawiishta Galmudug, waxaana ku baxay xalintooda Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Saraakiisha ciidamada kuwooda kala duwan, Maamulka Gobolka Mudug, iyo kan degmada Gaalkacyo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post