1185 Views

Xaaf oo shaaciyay in uu buray heshiiskii Ahlusunna kuna dhawaaqay doorasho

Xaaf oo shaaciyay in uu buray heshiiskii Ahlusunna kuna dhawaaqay doorasho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 24, 2019 –Qoraal uu soo saaray Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle xaaf ayuu ku shaaciyay  in uu buray heshiiskii horay u dhexmaray Maamulkii gobolada Dhexe ee Ahlusunna iyo Maamulka Galmudug iyo in uu ogolaaday inay doorashada Galmudug ay waqtigeeda ku dhacdo, isaga oo sheegay in lagu qabanayo Magalada Cadaado.

Qoraalka Madaxweyne Xaaf ayaa u muuqda mid dib ugu celinaya Maamulka Galmudug ka sidii uu ahaa ka hor heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna,isla markaana uu fariisin ka sameysanayo Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa  War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiskiisa waxa uu ku sheegay in uu dhamaaday khilaafkii iyo mad madowgii ka dhex jiray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka ooo uu qodobo kale oo dhowr ah uu uga hadlay Madaxweyne Xaaf.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment