1728 Views

Waxaan baasaboorka Mareeykanka iska celinayaa lacalla hadaan Madaxweyne noqdo!

Waxaan baasaboorka Mareeykanka iska celinayaa lacalla hadaan Madaxweyne noqdo!
____________________________________________________________________________

Hordhac/Gogol-Dhig

Allaah ayey mahad oo idili u sugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Intaa kabacdi; Aqristoow maanta oo ah maalin Khamiis ah-Waa xiliga aan qormadan qalinka u qaataye-Tadaariikhduna ku beegan tahay 8-da Agoosto 2019-ka (08/08/2019), ayaan qaatay dhalashada dalkan Mareeykanka, oo aan sugayey mudo 5-sano kudhow, waloow sharciyan sida saxda aheyd, inaan 3-Sano ku qaato, balse waqtiga u kordhay cillado iyo daahin dhankooda ah awgeed, balse nasiibwanaag! Odeygii Donald Trump ahaa, ee cadeeystey cunsurinimada (a racist), soogalooti naceybka (xenophobic), iyo waliba Islaam naceybka (Islamaphobic), indhihiisoo shanta ah ayaan qaatay. Waa madaxweynaha waalid iyo caruurtoodii dhibaato kawada qaxaya, wadamada laatiinkana u badan, xoog inta uga fara-maroojiyey, kadib kuwada guray xeryo-Xooleedyo (Animal cages), illaa heer qaar ka mid ah xildhibaanada Mareeykanka, sida: Rep. Alexandria Ocasio-Cortez, iyo Sen.Bernie Sanders ku tilmaameen xeryahaa: “Concentration Camps”, waa xeryihii Hitler Yahuuda ku xasuusi jiray’e,: –

Allow heey dilin, anigoon ka codeyn- Waana sababta aan uga dhigey, tillaabadeeydii ugu horeeysey maanta, inaan buuxiyo gudbiyana warqadaha codeynta. Trump wuxuu tarxiilay, ama dalkan Mareeykanka si qasab ah uga saaray (forceful deportation) dad aad u badanoo aan wax sharciyo ah laheyn, ama lahaa Kaarka Cagaaran (The Green card), balse dambiyo yaryar, ama kuwo waaweynba galay, kuwaasoo uu ku qaaday weeraro guryaha, maxkamadaha, isbitaallada, goobaha shaqo, kuwa waxbarasho, iyo meel kastoo suurtagal ahba lagala baxayey. Waa sababta keentay in dad badanoo gaaray xilligii sharci qaadashada, balse aan hore u dalban, walwal badan ugalayoo, degdeg uwada dalbadeen dhalashada. Waatan keentay, in dadka dhalashada Mareeykanka loo dhaarinayo aad ubataan. Tusaale ahaan, waloow xafladuhu xiliyo kala duwan, iyo goobo kala duwanoo guud ahaan Mareeykanka ah, kawada dhacayaan, hadana dufcadii aan maanta wada qaadannay dhalashada, waxeey ahaayeen tiro ahaa, kun iyo labo qofood (1002 individuals), kanasoo kala jeeday 85-Dal (85 countries).

Dhalasho qaadashadeeydiise waxeey igagasoo beegantay, aanba ku hadal qabsadee, iyadoo madaxweynaha qaranka mudane Maxamed C/llahai Maxamed (Farmaajo) iska celiyey dhalashadiisii Mareeykanka, maalmo uun ka hor, taariikhduna ku beegneyd 1-dii Agoosto 2019-ka (08/01/2019), waloow mudane Farmaajo mudo dheer soo heeystay dhalashada Mareeykanka, kusoo ilmo korsaday, kunasoo mooday in ku filan.

Naftu meeley gaareeysaba Allaa oge, xoogaa hadaan sii heystoon meelaha isaga maro, illeen waxaan ahay ruux dalkiisii ka burburayoo, soo kabashadiisa intuu qaadandoono, Allaah oo kaliya ogyahay’e, markaa kabacdina iska celiyo lacalla, hade waa lacalla, hadaan madaxweyne noqdo, malaha dhibba kuma jiro.

Qofkasta aduunkan ma jirto, meel uu ka jecel yahay dalkiisii hooyee, uu ku dhashay, kunasoo barbaaray, xaqiiqduna waxeey tahay, in dalkaada hooyo nabad yahay, oo aad nabad ugu noolaan karto, adigoo ku qanacsan joogidiisa, iyo in aadan meelba uga bixin, markaad doontana baasaboorkiisa aduunka meel kasta ku mari karto, waa wax aad u qiimo badan, balse marka xaalka dalkaada hooyo, iyo baasaboorkaadaba intaa ka duwan yahay, waxeey xaaladaa ku badeeysaa ciil iyo caloolyoow badan. Waa waxa dhalinyaradeena badaha ugu hoobanayaan, sikastoo kuwii ka horeeyey badda ugu dhamaadaana, kuwa ku xiga kama hakanayaan halaagaa, illaa xaaladaha dalkeena ka jira, wax iska badalaan.

Nuxnuxda jirta darteed aan kudaree, dalka Qurbe-Joog, iyo Qaran-Joogba wuu uwada baahan yahay, wuuna inaga badan yahay, waa hadii si cadaalad ah, loo wada tixgaliyo’e, iyadoon mid gaar ah, mudnaan gaar ah lasiineyn. Sideedaba qofka marka uu dalkiisa dibada uga maqan yahay, ama dal shisheeye ku noolyahay, waa Qurbe-Joog, balse sida Soomaalida utaqaano, waloow eeysan cadaalad aheyn, qofka aan baasaboor ajnabi laheyn, gaar ahaa kuwa reer galbeedka, Qurbe-Joog looma yaqaan, xitaa haduu wato mid Keenyaati, Itoobiyaan, ama Jabuutiyan ah, sidaa daraadeed, maanta ka hor Qurbe-Joog si rasmi ah uma aheyn, sida boqolaalka qaxootiga ah, ee ku nool xerada qaxooti, ee aduunka ugu weyn ee Dhadhaab, aan loogu aqoon saneyn Qurbe-Joog, waloow dal shisheeye ku nool yihiin, nasiibdarro! Waliba mudo aad u dheer. Waxaase Allaah mahadiis ah , in ummadeenu garatay, in dastuurka lagu daro, in dhalasho kale qofka Soomaaliga ahi qaadankaro, isagoo tiisii Soomaaliyana heeysanaya, sida wadamo badanoo caalamka ahiba sameeyeen, maadaama markii dalka inaga wada burburay, ummadeenu ku qasbanaatay, ineey u kala qaxaan dunida dacalladeena, waa intii duruufuhu u saamaxeene, ama sidaa iyagu go’aansadaye.

Waloow aanan waligeey tahriibin/qardajeexin, xero qaxootina galin, oo aan fiisooyin iyo garoomadoodoon ka soo wada dagay, kusoo wada galay dalalkii aan kusoo noolaa, sida: dalka Pakistan, kaasoo aan kusoo dhameeystey waxbarashada heerarka kala duwane Jaamacadeed, iyo dalka Malaysia, oo aan mudo sanado ah bare/macallin Jaamacadeed, iyo maamule kulliyadeed ka ahaa, iyo midkan Mareeykanka, ee aan hada ku noolahayba, hadana waxaan xasuustaa xiliyo anigoo baaris-cilmiyeed (research paper) aan qorayoon shir-aqooneed caalami ah (International academic conference), oo dal kale ka dhacaya u diray, kadibna la aqbalay baaris-cilmiyeedkeeygii, iyadoo waliba ladamaanad qaadayo tikidhadeeyda sii socod, iyo soo soocodba, hoteelkeeyga, raashinkeeyga, iyo waliba gaari-raaceeyga intaba, inta aan shirkaa caalamiga ah joogo, balse ugu dambeyn fiiso (visa) la ii weeynayo, maadaama dalkeeygoo burbursan darteed, aan baasaboorkeeyga fiiso la iisaari karin. Inkastoo aqoonyahannadii aan saaxiibada aheyn, dhibkaana inawada heeystey ku xalliyeen, ineey wada qaateen baasabooro Kiinyaan ah, mid Itoobiyaan ah, ama mid Jabuutiyaan, waana sida ganacsatadeenuba sameeyso’e. Waloow hada Mareeykan kan aduunka heystaahi, baasaboorkiisa dhibkaa iga xalinayo, hadana lacalla hadaan madaxweyne noqdo, waan iska celin donaa, sida madaxweyne Farmaajaba yeelay, illeen uma baahnaan doone’e. Hadii dalkeeyga hooyo nabad iinoqdana, kabasii fiican. Allaah aktiisana wax ku adag ma aha.

 

.

.

.

Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor).

Dhaqaaleyahan, qoraa, iyo falanqeeye siyaasadeed.

abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA.

 

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | North America

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment