960 Views

Madaxweyne Deni oo ka hadlay heshiiska dekedda Boosaaso ee DP World Dawo Muqaalka

Madaxweyne Deni  oo ka hadlay heshiiska dekedda Boosaaso ee DP World Dawo Muqaalka
____________________________________________________________________________

June 15 2021

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa khudbaddiisi maanta ee Baarlamanka kaga hadlay heshiiska DP World ee dekedda Boosaaso.

Madaxweyne Deni, wuxu sheegay in uu socdo wada-hadal ku saabsan sidii loo fulin lahaa heshiiska horumarinta dekedda Boosaaso ee DP World, kaas oo aysan waxba ka hirgelin tan iyo markii la saxiixay 6-dii April 2017.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dadweynaha la wadaagi doonaan natiijada ka soo baxda wada-hadalka heshiiska DP World, kadib markii la soo geba-gabeeyo wada-xaajoodkaas.

Sidoo kale, wuxu sheegay in dhowaan magaalada Boosaaso ay imaan doonto xafaarad ciidda looga saaro marinka dekedda Boosaaso oo caqabad ku noqday soo gelidda maraakiibta iyo doonyaha ku xirta dekedda.

Hadalka madaxweyne Deni ayaa ku soo beegmay, xilli uu Baarlamanka Puntland ka dhex jiro guux ku saabsan mooshin ka dhan ah heshiiska DP World ee dekedda Boosaaso.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post