666 Views

Iska hor imaad la isku fara saaray oo khasaare dhaliyay oo ka dhacay misaajidka barakaysan ee Al-Aqsa

Iska hor imaad la isku fara saaray oo khasaare dhaliyay oo ka dhacay misaajidka barakaysan ee Al-Aqsa
____________________________________________________________________________

May 8, 2021

Ugu yaraan 163 Falastiiniyiin ah iyo lix sarkaal oo booliska Israa’iil ah ayaa lagu dhaawacay isku dhacyo ka dhacay magaalada Qudus, sida ay sheegeen dhakhaatiirta Falastiiniyiinta iyo booliska Israa’iil.

Intooda badan waxay ku dhaawacmeen Masjidka Al-Aqsa, halkaas oo booliiska Israel ay ku ridayeen rasaas cinjr ah ah iyo bam gacmeedyo iyadoo Falastiiniyiintuna ay tuurayeen dhagxaan iyo dhalooyin.

Waxaa sii kordhaya khalalaasaha oo markii hore ka dhashay qoysas Falastiiniyiin ah oo laga saaray xaafad ay deganayeen oo daris la ah misaajidka.

Bisha Cas ayaa waxay furtay isbitaal lagula tacaalo dhaawacyada. Dhismaha masaajidka Al-Aqsa ee ku yaal magaalada Qudus waa mid ka mid ah goobaha barakaysan ee diinta Islaamka aad looga ixtiraamo , laakiin sidoo kale Yuhuudda ayaa iyagana u aqoonsan goob barakaysan oo ay leedahay, oo ay u yaqaanaan Macbadka Mount.

Rabshadahaan ugu dambeeyay ayaa bilowday habeenimadii Jimcaha kadib markii kumanaan qof ay isugu soo baxeen halkaas si ay u cibaadaystaan jimcaha ugu dambeeya ee bisha barakaysan ee Ramadaan. Booliska Israa’iil ayaa sheegay in ay xoog u adeegsadeen “soo celinta kala dambeynta”

Mid ka mid ah maamulka misaajidka Al-Aqsa ayaa ku baaqay in xaaladda la dejiyo isagoo adeegsanayo makarafoonka masaajidka.

“Booliisku waa inuu si deg deg ah u joojiyaa bam gacmeedyada u ridayo, dadka cibaadeysanaya, gaar ahaan dhalinyarada waa inay isdajiyaan oo ay aamusaan!”, Wakaalada wararka ee Reuters ayaa soo xigatay maamulka misaajid oo sidaasi leh.

Adeegga gurmadka degdegga ah ee Bisha Cas ee Falastiin ayaa sheegay in 88 ka mid ah Falastiiniyiinta dhaawaca ah loo qaaday isbitaalka halka booliskuna ay sheegeen in qaar ka mid ah lixda sarkaal ee dhaawacmay ay u baahan yihiin daaweyn caafimaad.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale codsatay in xaaladda la dejiyo taas oo markii hore ka dhalatay hanjabaadii qoysaska reer Falastiin ee ku nool Bariga Magaalada Jerusalem ee Shaikh Jarrah looga saaray guryahooda.

Afhayeenad uhadalay wasaaradda arrimaha dibada Mareykanka ayaa sheegay in Washington “ay aad uga walaacsan tahay xiisadda kacsan”.

Isuduwaha Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee geeddi socodka Nabadda Bariga Dhexe, Tor Vennesland, wuxuu ku boorriyay dhammaan dhinacyada in ay “ixtiraamaan goobaha barakaysan ay ku sugan yihiin ee ku yaal Magaalada Qudus.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Israa’iil ay joojiso barakicinta isla markaana ay xakamayso adeegsiga awoodda ee ka dhanka ah dibadbaxayaasha.

Maxkamadda ugu sarreysa Israa’iil ayaa Isniinta dhegeysan doonta dacwadda sharci ee muddada dheer soo socotay.

Israa’iil waxay qabsatay Bariga Qudus tan iyo dagaalkii 1967 ee Bariga Dhexe waxayna doonaysa in magaalada Qudus loogu aqonsado inay tahay caasimaddeeda, in kasta oo aan laga aqoonsanayn inta badan caalamka. Falastiiniyiintu waxay ku andacoodaan Bariga Qudus inay tahay caasimadda mustaqbalka ee dowlad madax banaan oo rajo laga qabo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post