1137 Views

Kulamo dhex-maray wufuuda Beesha Caalamka & Madax ka tirsan dowladda

Kulamo dhex-maray wufuuda Beesha Caalamka & Madax ka tirsan dowladda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 03, -2019 —Wasaaradda Ariimaha dibada Xukuumadda dalka ayaa xalay casho sharaf iyo sagootin us ameyay qaar ka mid ah wafdigii ka qayb galay shirka Madasha Islaashiga ee Muqdisho lagu soo geba-gabeeyay shalay galinkii dambe.

 

Qaar ka mid Safiiradda Wadamada saaxiibada dhaw la ah Soomaaliya sida Turkiga, Masar, Suudaan, Ugaandha, Kenya, Midogya Yurub, Wakiilka howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madera, Wakiilka QM ee Soomaaliya James Swan iyo wafood kala duwan ayaa xalay Wasaaradda Arrimada dibada XFS u sameyay casho sharaf kuwaas oo ka haray ku dhawaad wakiilo ka socday 50 dalka oo ka qeyb-galay shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo beesha Caalamka ee magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

 

Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya danjire Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in kullankaan soo dhaweynta ee loo saameyay wafuuda kale duwan ay tahay in la tuso Caalamka in Soomaaliya ay tahay dalka lagu qaban karo shirarka Caalamiga ah dadka Soomaaliyeedna ay yihiin dad ku fiican soo dhaweynta dadyowga kala duwan.

 

Sidoo kale Wasiir Cawad waxa uu sheegay in haatan dalku uu ku sugan yihiin Safiiro badan walina ay sii kordhayaan dalalka doonayaan in Soomaaliya ay xariir ay la yeeshaan madaama uu kasoo kabanayo burburkii.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment