372 Views

Faahfaahin kasoo baxeysa qaraxii ka dhacay Buula-burde

Faahfaahin kasoo baxeysa qaraxii ka dhacay Buula-burde
____________________________________________________________________________

Axad: January 15 2023  

Waxa magaalada Muqdisho la geeyey dad badan oo dhaawacyo halis ahi ay ka soo gaadheen qaraxii ka shalay ka dhacay magaalada Buula-burde, dhaawacyadii fududaana waxa lagu dawaynayaa isbitaallada ku yaal magaaladaas.

Shaley ayay aheyd markii labo qarax oo waaweyn ay ka dhaceen magaalada Jalalaqsi halka Buula-burde uu ka dhacay qarax qarax loo adeegsaday baabuur lagusoo rakibay walxaha qarxa.

Qaraxaas ayaa la soo sheegayaa in siddeed qof ay ku dhinteen halka ku dhawaad toban kalena ku dhaawacmeen.

Dhaawacaa loo samatabixyey dhanka Muqdisho iyo sida xaaladdu haatan tahay waxaa BBC-da uga warramay Dr Sakariye Cabdirashiid Cali oo ah isu duwaha wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ee degmada Buulaburde.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post