546 Views

Murashaxiinta oo Walaac ka muujiyay doorashooyinkii loo ballansan yahay in ay dalka ka dhacaan

Murashaxiinta oo Walaac ka muujiyay  doorashooyinkii loo ballansan yahay in ay dalka ka dhacaan
____________________________________________________________________________

Isniin: july 19, 2021

Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho oo ay ku qiimeeyeen xaaladda guud dalka, gaar ahaan habsami u socodka doorashooyinkii loo ballansanaa, ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay walaac uga muujiyeen shan qodob oo ay sheegeen in hadii aan wax laga bedelin aysan muuqan ififaalo ay dalka uga dhici karto doorasho xor iyo xalaal ah.

“Goluhu wuxuu walaac xooggan ka muujinayaa in doorasho xor iyo xalaal ah oo ku qabsoonta waqtigii loo asteeyey ay ka dhacdo dalka, isagoo ku salaynaya ifafaalooyinka muuqda ee khuseeya arrimihii ugu waa weynaa ee ahaa caqabadaha horyaala doorashooyinka dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin:”

1 – Maareyn la’aanta ismari-waaga ka jira habraaca doorashada Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland, taas oo abuurtay in laba guddi doorasho ay sameysmaan.

2 – Xaaladda gobolka Gedo oo weli aan xal dhinacyada wada qanciya laga gaarin.

3 – Waxaa sidoo kale aan weli xal loo helin caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee ka taagan Gobolka Hiiraan ee deegaanka Hirshabeelle, si loo hubiyo inay ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah.

4 – In aan weli dhaqaalihii doorashada meel la saarin, waqtigii doorashadana la taagan yahay.

5 – U-diyaargarowgii doorashada xubnaha AqaIka Sare oo aad u hooseeya, taas oo shaki gelinaysa in jadwalka doorashada lagu dhaqmo.

Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa qoraalkaan ku sheegay in hadii aan xal deg deg ah loo helin caqabadaha kor ku xusan, ay dib u dhac ku keeni karto habsami u socodka doorasho hufan oo loo wada dhanyahay.

“Goluhu wuxuu ku boorrinayaa Xukuumadda iyo Madaxda Dawlad goboleedyada in ay si deg deg ah wax uga qabtaan caqabadaha hadda taagan, kana tabaabusheystaan kuwa imaan kara, si dalka looga hirgeliyo doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda ku dhacda,” ayaa lagu yiri qoraalka musharaxiinta.

Golaha ayaa ugu dambeyntii war-saxaafadeedkaan ku sheegay inuu ka walwalsan yahay faragelinta uu Madaxweynaha xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu weli ku hayo habsami u socodka doorashooyinka dalka

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post