1647 Views

Xiriirka ka dhexeeya hurdo la’aanta iyo tabaryarida dhanka galmada

Xiriirka ka dhexeeya hurdo la’aanta iyo tabaryarida dhanka galmada
____________________________________________________________________________

Khamiis: December 30, 2021

Hurdadu waxay ka mid tahay waxyaabaha aadka muhiimka ugu ah aadamaha sida khubaradu ay sheegeen.Waxaana mar walba maqalnaa ama aragnaa tallooyinka dhaqaatiirta ee la xiriira in qofku helo hurdo wanaagsan si uu uga badbaado cudurro badan oo ka dhasha hurdo la’aanta.Dhaqaatiirta ayaa sidoo kale sheegaya in hurdadu,ay tahay cuntada jirka bani’aadamka waana hab lagu dhiso laguna dajiyo oo lagu sugo caafimaadka maskaxda qofka.

Qofka oo aan helin hurdo ku filana waxaa ku dhaca isbadal dhanka nolasha guud ah iyo tan caafimaadka maskaxdiisa sida ay khuburadu qabaan. Waaxda caafimaadka dalka Ingiriiska ee NHS, ayaa mar ay ka warbixinaysay muhiimadda hurdada,faa’idooyinkeeda iyo waxyeellooyinka ka dhalan kara hurdo la’aanta waxaa ay sheegtay in saddexdii qofba mid ka mid ah uu la ildaran yahay hurdo la’aan welwel iyo shaqo dheeraad ah.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in hurdadu muhiim u tahay caafimaadka aadanaha, sababtoo ah waxay bogsiisaaa oo hagaajisaa wadnaha iyo xididdada dhiigga. Hurdo la’aanta ayaana lala xiriiriyaa khatarta caafimaad ee kordheysa cudurada wadnaha,kelyaha, dhiig-karka,iyo macaanka.

Sababaha aaney dad badan hurdo ku filan u helinna waxay u badan tahay niyad-jabka iyo feejignaan la’aanta khataraha ku imaan kara qofka haddii uusan si wanaagsan u hurdin.Sidaa darteed ayaa helidda hurdo ku filan ay muhiim u tahay inuu qofku joogteyo hab -nololeed caafimaad leh uuna sare u qaado tayada noloshiisa .Sida ay sheegtay NHS, hurdadu waxay kordhisaa awoodda galmada.

Dr. Shehu Saalax,oo ah agaasimaha Isbitaalka Dhimirka ee Kware ee Gobolka Sokoto ee dalka Nigeria, kuna takhasusay caafimaadka dhimirka ayaa BBC -da uga waramay muhiimadda iyo saameynta hurdadu u leedahay caafimaadka aadanaha.XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Meeqo saac ayaan u baahannahay in aan seexanno?

Xaddiga hurdada ee qofku u baahan yahay waxay ku xirantahay da’diisa, sababtoo ah qaar dadka ka mid ah ayaa u baahan hurdo badan qaarna in yar ayay u baahanyihiin.Dr Shehu Saalax ayaa sheegay in qof kasta oo bani’aadam ah uu seexdo hurdo wanaagsan marka loo eego da’diisa.

Arrinta muhiimka ah ayaana ah inuu qofku oggaado inta saacadood ee u baahanyahay inuu hurdo isla markaana uu isku dayo qofku in helo hurdo ku filan caafimaad ahaan.Khabiirku wuxuu sheegay in carruurta yaryar ay seexdaan qiyaastii 20 saacadood maalintii 24kii saacadoodba. Carruurtu waxay seexan karaan sidoo kale ilaa 18 saacadood,

Dadka da’doodu ka wayntahay 18 sano waxay u baahan yihiin ugu yaraan 8 saacadood si ay u helaan hurdo ku filan.Kuwa ka weyn 60-ka ilaa 70-ka lix ilaa afar saacadood ayaa ku filan, sida uu dhakhtarku sheegay.Da’kasta oo dadkaas ka mid ah haddii ay helaan hurdo ku filan, waxay u badan tahay inay xoog yeelan doonaan oo caafimaad ahaan doonaan maalinta xigta wakhtigaas ay seexdeen huradada wanaagsan haddii kale, waxaa jiri doona isbeddello badan iyo dhibaatooyin ay la kulmi karaan.Haddii qofku soo tooso isagoo daallan isla markaana muddo yar kadib uu hurdo dareemo, tani waxay calaamad u tahay inuusan qofkaasi helin hurdo ku filan.

faa’iidooyinka hurdada

Hurdadu waxay dawo u tahay xanuunno badan oo ku dhaca aadanaha, dhakhtarkuna wuxuu sharraxay faa’iidooyinka uu helo marka uu qofku si wanaagsan u seexdo.

Xiriirka ka dhexeeya hurdo la’aanta iyo tabaryarida dhanka galmada

Baaritaan caafimaad ayaa muujinaya in hurdo la’aantu ay yarayso rabitaanka galmo ee ragga iyo dumarkaba isla markaana ay yarayso awooddooda.Waxaa kale oo la sheegay in hurdo la’aantu ay ka mid tahay sababaha ugu waaweyn ee keena dhalmo la’aanta ragga iyo dumarka labadaba.

NHS -ta UK ayaa sheegtay in qofka oo aan helin hurdo ku filan ay arintaasi keeni karto madhalaysnimo.

Maxaa kugu dhacaya haddii aadan seexan karin?

Waxaa jira calaamado qofka lagu arko hadii uusan helin hurdo ku filan ama uusan seexan.Dhaqaatiirta ayaa sheegaya in hurdo la’aantu ay caafimaadku ku leedahay saameyn ba,an taas oo ay tahay inuu qofku aad uga taxadaro

Dr Shehu Saalax ayaa waxyaabaha ka dhalan kara hurdo la’aanta ee caafimaad darrda ah ku sifeeyay qodobbada hoos ku qoran.

,Teleefoonka gacanta xiliga hurdada,

XIGASHADA SAWIRKA,OTHERKhubarada caafimaadku waxay uga digeen dadweynaha gaar ahaan dhallinyarada inay isticmaalan taleefannada gacanta xiliyada hurdada. Dr. Shehu Saalax ayaa sheegay in isticmaalka teleefoonka gacanta uu qayb ka yahay wxayaabaha keena hurdo la’aanta .Khabiirku wuxuu leeyahay qofka waa inuu kala saaraa wakhtiga hurdada iyo isticmaalka taleefankiisa.Taleefanka gacanta oo la isticmaalo xiliga hurdada ayaa keeni kara walwal iyo jiif la’aan iyo aragga indhaha oo naxuuso ama yaraada.

Ugu dambeyn dhakhaatiirta ayaa dadka kula talinaya in maadama hurdadu u wanaagsantahay cafaimaadka ay tahay in arrintaas mudnaanta la siio oo qofku uu horey u seexdo uuna ku nagaado ilaa laga gaarayo wakhtiga ku habboon inuu ka kaco. Aqoonyahannada ayaa ka digaya keniiniyada hurdada ee xad-dhaafka loo isticmaalo kuwaas oo faa’iidooyinkodu yaryihiin saameyntooda caafimaadna ay darantahay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post