885 Views

Wiil Dhalinyaro ahaa oo lagu dilay Muqdisho & faah faahin kasoo baxeysa

____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | February 17 2021–
Dilka Wiilka Dhalinyarada ahaa ayaa waxaa uu Maanta ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir, iyada oo dadkii ka dambeeyay dilkaasi ay baxsadeen.

Wiilka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Cabduqaadir Awalad Yare ayaa ahaa  Muuqaal duube ama Cameraman, waxaana la sheegay in lagu dilay Gudaha Xaruntiisa Shaqada.

Dad yaqaanay ayaa waxaa ay sheegeen in rag hubeysan ay ugu tageen Studio uu ku lahaa degmada Howl-Wadaag  gaar ahaan meel u dhow Hotelka Baar Bakiin, isla markaana dhowr xabadood ay ku dhufteen, taas oo keentay in uu u geeriyoodo.

Alle ha u Naxariistee Cabduqaadir Awalad Yare ayaa ahaa Wiil Dhalinyaro ah oo Caan ku ahaa duubista aroosyada ka dhacaya magaalada Muqdisho, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in uu kamid ahaa Sawirqaadayaasha Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeeed.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo sameeyay howlgallo lagu baadi goobayay dadkii ka dambeeyay dilkaas, wallow aysan jirin dad ay u qabteen.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post