1131 Views

Rag hubeysan oo arday ka afduubtay kuleej ku yaalla gobolka waqooyiga Nigeria

Rag hubeysan oo arday  ka afduubtay kuleej ku yaalla gobolka waqooyiga Nigeria
____________________________________________________________________________

Muqdisho Qol  March 12  2021

Rag hubeysan ayaa dhowr arday ah ka afduubtay kuleej ku yaalla gobolka waqooyiga Nigeria ku yaalla ee Kaduna, sida uu sheegay maamulka gobolka.

Dableyda weerarka soo qaadday ayaa habeenkii xalay ahaa galay kuleejka oo ku yaalla magaalada Mando.

Maamulka gobolka ayaa sheegay in 180 isugu jira arday iyo shaqaalaha kuleejka ay saakay aroortii soo badbaadiyeen ciidamada Nigeria, balse ilaa 30 arday ah weli la la’yahay.

Weli ma cadda cidda ka dambeysay weerarka Federal College of Forestry Mechanisation, oo ku yaalla meel u dhow machadka tababarka milatariga.

Qiyaastii 800 oo arday ah ayaa tan iyo bishii December laga afduubtay weerarro lagu qaaday iskuullo ku yaalla waqooyiga Nigeria. Dhammaantood waa la sii daayay kaddib wada xaajoodyo lala galay ragga hubeysan.

Waaliddiinta iyo qaraabada ayaa maanta isugu tegay kuleejka iyaga oo ka war dhowraya xog ku saabsan carruurtooda.

Daka deegaanka qaarkood ayaa sheegay in markii ay maqleen rasaaska ragga wxa afduubtay ee xalay ka dhacaysay kuleejka, ay u qaateen milatariga oo ku tababaranaya machadkda milatariga.

Goobjoogayaasha ayaa sheegay in markii uu milatarigu yimid kuleejka, ay kuwii weerarka soo qaaday iska tageen. Haatan ciidamada oo taangiyaal iyo helikobtarro wata ayaa lagu daad gureeyay aagga si ay isugu dayaan badbaadinta dadka la afduubtay.

Weriyaha BBC-da Ishaq Khalid oo ku sugan Abuja ayaa sheegay in kani uu yahay weerarkii ugu horreeyay ee lagu qaado kuleej ku yaalla duleedka magaalo weyn – inta badan faudubyadii hore ee ardayda waxay ka dhici jireen deegaanno miyi ah.

Weriyeheenna ayaa sheegay in weerarkan oo ka dhacay meel aad ugu dhow xero milatari uu ceeb ku yahay dowladda Nigeria, oo mar walba shacaka u ballan qaadda inay isku dayaso wax ka qabashada ammaan darrada.

Balse dowladda federaalka iyo tan gobolka Kaduna labadaba waxay sheegeen inay ka soo horjeedaan wada xaajoodyada lala galo burcadda hubeysan, oo badankood ka faa’iideysta amman darrada, iyagoo lacago madax furasho dalbada kaddib marka ay afduubka geystaan.

Warbixin uu soo saaray maamulka gobolka Kaduna ayaa lagu sheegay in ku dhowaad 3,000 oo qof oo gobolka ku noolaa ay sanadkii la soo dhaafay dileen amaba ay afduub u geysteen burcad dembiilayaal ah.

Afduubyadii dhowaan ka dhacay iskuullada Nigeria:

  • 11 March – 13 arday ah ayaa laga afduubtay iskuul ku yaalla deegaanka Damaga ee gobolka Zamfara
  • 26 February – 279 gabdho iskuulley ah ayaa laga watay deegaanka Jangebe, gobolka Zamfara
  • 25 January – Rag hubeysan ayaa toddoba carruur ah ka afduubtay xarunta agoomaha oo ku taalla caasimadda, Abuja
  • 17 February – Hal arday ayaa dhintay; 42 shaqaale ah, arday iyo xubnaha qoysaskooda ayaa laga kaxaystay Kagara, oo ka tirsna gobolka Niger
  • 19 December – In ka badan 80 carruur iskuulley ah ayaa laga afduubtay tuulada Mahuta, ee gobolka Katsina
  • 11 December – In ka badan 300 oo wiilal ah ayaa laga afduubtay iskuul ku yaalla Kankara, gobolka Katsina
  • BBC

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post