1155 Views

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo shacabka Mareykanka uga digay halista Omicron

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo shacabka Mareykanka uga digay halista Omicron
____________________________________________________________________________

Arbaco: December 22, 2021

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in dowladdiisu ay bixin doonto ilaa 500 oo milyan oo ah qalabka leysaga baaro COVID-19, taageero ballaaran oo loo fidinayo isbitaallada iyo in la laba laabo dadaallada tallaalka lagula dagaallamo cudurka.

Arrintaan waxay ka danbeysay kaddib marki uu Mareykanka aad ugu baahay nuqulka cusub ee Omicron ee cudurka Covid-19.

Hadal uu ka jeediyay Tallaadadi xarunta Aqalka Cad ayuu Biden ku sheegay, in bilaha jiilalka ee qaboowga ee foodda nagu soo hayo uu xanuunka si aada ah u sii fidi doono, taasoo khatar ku ah buu yiri dadka aanan ka tallaalneyn COVID-19.

Dalalka kale ee caalamka ee uu xanuunka kusii fidayo ayaa waxaa ka mid ah Ingiriiska, iyo qeybo ka mid ah Yurub. Dalalka Germany, Scotland, Ireland, Netherlands iyo South Korea qeyb ahaan ama guud ahaan ayay dalalkoodu kusoo rogeen xayiraadda ka hortagga faafista COVID-19 nuqulkiisa Omicron.

Tan iyo inti uu billowday COVID-19, wuxuu ku dhacay dad ka badan 274 million oo ruux guud ahaan caalamka. Halka dadka uu dilay ay gaarayaan 5.65 million oo ruux.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post