894 Views

Maxey ka wada hadleen Wasiir Goodax Barre & Wakiilka QM?

Maxey ka wada hadleen Wasiir Goodax Barre & Wakiilka QM?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Khamiis   , March 5 , 2020 —Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Hiddaha & Tacliinta Sare ee Xukuumadda Faderaalka ah ee Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mr.James Swan.

 

Kulanka ayaa labada Mas’uul waxaa ay uga wada hadaleen arrimo badan oo khuseeya waxbarashada Soomaaliya iyo sidii hey’adaha Qaramada Midoobay gacan uga geysan lahaayeen qorsheyaasha qaran ee lagu horumarinayo Waxbarshada dalka.

 

 

 

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa warbixin kooban ka siiyey isbedelada ku socda waxbarashada Soomaaliya iyo hindisayaasha horumarineed ee wasaaradu garwadeenka ka tahay,iyada oo la kaashaneyna bahwadaagta waxbarashada Soomaaliya,sida lagu sheegay War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda.

 

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya-Guud ee Qaramada Midoobay uqaabilsan Soomaaliya, Mr.James Swan ayaa dhankiisa xaqiijiyay in xafiiskiisu diyaar u yahay sidii uu gacan uga geysan lahaa hirgelinta qorsheyaasha lagu horumarinayo Waxbarashada Soomaaliya.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment