1086 Views

Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo soo badbaadiyey 80 tahriibeyaal ah

Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo  soo badbaadiyey 80 tahriibeyaal ah
____________________________________________________________________________

 Isniin: July 19, 2021

Markab laga leeyahay dalka Turkiga, oo ku guda jiray waajibaadkiisa kormeerka meel ka baxsan biyaha xeebaha Liibiya, ayaa soo badbaadiyey 80 tahriibeyaal ah sida ay xaqiijisay Wasaaradda Gaashaandhiggu Axaddii.

Markabkan ayaa ku dhaqaaqay markii uu helay macluumaadka muhaajiriinta iyadoo Diyaarad helicopter ah oo saaran markabka “TCG Gediz” ay durbadiiba bilowday dadaallo indha indheyn ah, Liibiya ayaa ah barta ay ka baxaan inta badan tahriibayaasha ka sii gudbaya badda halista ah ee badda Mediterranean.

Turkiga ayaa goor sii horeysay ka codsaday bulshada caalamka inay xal u helaan xididaada tahriibka isla markaana ay la wadaagaan culeyka si siman kadib markii 43 qof la waayey markii doon ay la socdeen 127 tahriibeyaal ah ay ku degtay badda Mediterranean

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post